NewsUncategorized Wasiir Wasaaradda Horumarinta Biyaha Iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo Xadhiga ka jaray Qalab iyo Gaadiid Baanku Maalgeliyey

 

Burco : (11/11/2019) : Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Mudane Saleebaan Cali Koore, Guddoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraahim Jaamac, Maayarka Magaalada Burco, Maxamed Cabdiraxman Muraad, Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Burco, Cabdixakiim Maxamed Maxamuud ayaa si wada jira u daah-furay qalab cusub iyo ceel-Biyood oo xadhiga laga jaray. Waxaa
sidoo kale la dhagax dhigay ceel-biyood cusub oo laga qodi doono duleedka magaaladda Burco.

Mashruucan oo uu maalgaliyay Baanka Dhexe ee JSL ayaa wax wayn ka qaban doona baahidii ay Reer Burco u qabeen biyo macaan.

Qalabkan cusub iyo Gaadiidka ee uu Baanka Dhexe ee JSL maalgeliyay waxaa ay ka koobnaayeen 1936 oo pipe, Saddex Mashiin oo waaweyn, hal Cagaf-cagaf “Bulldozer”, Saddex bam “pump”, laba Gaadhi, 150 biyo Sifeeyaal “filters” saacadaha Biyaha, iyo qalab kale oo loo adeegsado biyo soo saarka.

Dhinaca kale, weftigu waxaa ay u dhagax dhigeen Wakaaladda Biyaha ee Burco dhisme Saddex qol oo loogu talo galay in ay ku shaqeeyaan Waaxda Farsamadda ee Wakaalada biyaha Burco.

Dhamaan madaxdii heer gobal iyo heer degmo ee ku sugnaa goobtaa waxaa ay uga mahadceliyeen Guddoomiyaha Baanka Dhexe, in uu ku dhiiraday maalgelintan uu Baanka Dhexe JSL ku sameeyay mashruucan.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraahim Jaamac oo isna goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in Baanka Dhexe ee JSL maalgalin ku sameeyay mashaariic kala duwan oo dawladdu fulinayso kuwaas oo ku kacay $11 Milyan oo doolar sanadkan oo kaliya.

Wabilaahi Tawfiiq

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: