Waxaa isna halka ka hadalay Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland Mudane Axmed Xasan Carwo, isaga oo ku nuuxnuuxsaday dardargalinta hawlaha shaqo ee Baanka Dhexe ee Somaliland si looga midho dhaliyo rajada ummadda ee ku saabsan in la helo dhaqaale dagan.
Ugu dambeyntii, waxaa kulankaa soo af-meeray Guddoomiye xigeenka Baanka Dhexe Mudane Cumar Yusuf Buux isagoo ku booray Saraakiisha iyo Guddoonka Baanka Dhexeba in la joogteeyo kulamadan horumarineed ee kor loogu qaadayo adeegyada kala duwan ee Baanka Dhexe Bulshada u fuliyo. Guud ahaan kulankaas oo ahaa mid ay ku dhamaaday jawi degan .