Bank of Somaliland
sell  8530 | buy  8630
sell  10097 | buy  9980
sell  11823 | buy  11686
sell  2330 | buy  2303
sell  2330 | buy  2303
sell  190 | buy  188
sell  79 | buy  78
Kulan Hawleed: Waaxda FIU-da iyo Hay’addaha Maaliyadeed

Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu kulan hawleed u qabtay dhamaan Hay’adaha Maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay oo ay ka mid yihiin Bangiyada Premier Bank, Dahabshiil Bank iyo Dara-salam Bank taariikhdu marka ahayd 21/03/2018 maalin Arbaca. Kulan hawleedkan waxa kasoo qayb galay saraakiisha sar-sare ee hay’addaha maaliyadeed, kulankan waxa lagu lafa gurayay hanaanka wada shaqayneed ee Waaxda cusub ee Dabagalka Dhaqdhaqaaqyada Hay’addaha Maaliyadeed (Financial Intelligence Unit) iyo hay’addaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso.

Ujeedadooyinka Kulanka

Ujeedooyinka kulanku waxa ugu muhiim sanaa:

  1. In Hay’adaha Maaliyadeed ee dalka lala socod siiyo Abuurida Waaxda Daba-galka dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed (FIU).
  2. In muhiimada, ujeedooyinka iyo Habka ay u shaqaynayso Waaxdu lala wadaago Hay’adaha Maaliyadeed, isla markaana laga qaato waxii talo ay soo jeediyaan.
  • In Hay’adaha kasoo qayb galay shirka lala wadaago qabyo qoraalka Xeerka Xakamaynta Lacagaha Sharci-darada ah iyo Maal galinta Argagixisada ( Anti-money Laundering and Terrorist Financing Bill).