Bank of Somaliland
sell  8530 | buy  8630
sell  10097 | buy  9980
sell  11823 | buy  11686
sell  2330 | buy  2303
sell  2330 | buy  2303
sell  190 | buy  188
sell  79 | buy  78
KULAN DHEXMARAY BAANKA DUUNKA “WORLD BANK “ IYO WAFDI SOMALILAND AH OO UU HOGAAMINAYO GUDOOMIYAHA BAANKA DHEXE EE SOMALILAND MUDANE ALI IBRAHIM JAMAC “BAQDAADI”.

Waxa Xarunta Dhexe ee Baanka Adduunku ku leeyahay Magaaladda Nairobi kullan ballaadhan oo saacado qaatey ku dhexmaray wafdi ka socda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Mudane Ali Ibrahim Jaamac “Baqdaadi“.

Xubnaha Wafdiga dhinaca Somaliland waxa ka mid ahaa Guddigga Dhaqalaaha u qaabilsan Golaha Wakiiladda oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Mohamed ahmed Obsiiye (Ku-xigeenka Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha) Xildhibaan Xusseein Mohamed Cige, Xildhibaan Saciid Mohamed Cilmi, Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo Mudane Cabdinaasir Cismaan Mahamoud oo Agaasimaha Qorshaynta Golaha Wakiiladda.

Waxa kale oo kulanka ka qayb galay Mudane Cabdirahmaan Muuse Agaasimaha Waaxda Korjoogaynta Hay’adaha Maaliyadeed ee Baanka Dhexe iyo Mudane Axmed Mohamed Nuur oo ka mid ah hagayaasha Mashruuca “SCORE” kana tirsan Wasaardadda Qorshaynta Qaranka, ahaana isku-dubaridaha Kulankan.

Waxa sidoo kale kulanka kasoo qayb galay Agasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Mudane Abdirashid I.Abdirahman. Dhinaca Baanka adduunka waxa hogaaminayey Wakiilka Baanka adduunka ee Somalia iyo Somaliland u fadhiya Kenya, Mr. Hugh Riddell iyo Madaxa Barnaamijka Score Mr Thilasoni Benjamin iyo Fuaad Sharif oo ah khabiir arimaha Maaliyadda.

Kulanaakaas waxa lagu lafaguray wadciga guud ee dhaqaalaha iyo nidaamka maaliyadeed ee ka jira Somaliland, xeerarka ku saabsan habaynta iyo toosinta baananka ee horyaala Golaha Wakiiladda iyo guud ahaanba tayaynta iyo taakuulaynta uu Baanka adduunku u fidiyo hay’adaha kala duwan ee ka hawl gala Somaliland.

Dhamaan qodobaddii laga wada hadlay si fiican ayaa laysula meel dhigay. Wafdigga ka socda JSL waxa uu Nairobi joogi doona muddo dhan 5 cisho, waxaanu la kulmi doona hay’ado kala duwan oo ay ka mid tahay shirkadda waynee caalamiga ee loo yaqaan Earnst & Young maalinta barri ah ee 10/08/2018.