Bank of Somaliland
sell  8530 | buy  8630
sell  10097 | buy  9980
sell  11823 | buy  11686
sell  2330 | buy  2303
sell  2330 | buy  2303
sell  190 | buy  188
sell  79 | buy  78
Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo Kullan la Qaatay Madaxa Fulinta Hay’adda Caymiska Dhigaalayda ee Dalka Kenya

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee JSL Mudane Ali Ibraahim Jamac oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Koormeerka Haayadaha Maaliyadeed Cabdiraxmaan Muuse Cabdi, ayaa safar shaqo ugu baxay dalka Kenya, shalay 07.08.2018.
Waxaa ay isla maanta kulamo kala duwan la qaateen qaar ka mid ah haayadaha Maaliyadeed ee dalka Kenya, waftigu waxaa uu kulan qado ah la qaatayy Madaxa Fulint Hay’adda Caymiska dhigaalayda ee Kenya ( Kenya Deposit insurance Corporation) Mudane Maxamuud Maxamed, waxay labad dhinac kala wada hadleen sidii ay Baanka dhexe ula wadaagi lahaayeen khibradooda ku saabsan ilaalin lacagaha dhigaaleyda, sida lacagta ay dhigaalaydu dhigtaan baananka ama lacagta dhigaalaydu ay u sticmaalaan Electroniga.
Kulanku wuxuu ku dhamaaday is afgarad.
Gudoomiyaha iyo waftigan uu hogaaminayaa waxaa ay safar shaqo ku joogi doonaan dalka Kenya Shanta cisho ee soo socota.