Bank of Somaliland
sell  8530 | buy  8630
sell  10097 | buy  9980
sell  11823 | buy  11686
sell  2330 | buy  2303
sell  2330 | buy  2303
sell  190 | buy  188
sell  79 | buy  78
Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafti ka socda SIDA “Swedish International Development Cooperation Agency “ iyo Hay’adda Shuraako.

Hargeysa: 05/11/2019 – Guddoomiyaha Baanka Dhexe Mudane: Cali Ibraahim Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa wafti ka socda SIDA “Swedish International Development Cooperation Agency “ iyo Hay’adda Shuraako. Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska Guddoomiyaha Baanka Dhexe , waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee JSL, Mudane; Axmed Xasan Carwo, Agaasimaha Waaxdka Koormeerka Baananka & Hayadaha Maaliyadeed Mudane: Cabdiraxmaan Muuse Cabdi .

Dhinaca waftiga SIDA waxaa hogaaminaysay Counsellor Petra Smitmanis oo ah Madaxa Iskaashiga ee Safaaradda Sweden ee Nairobi, halka xubnaha Shuraako uu horkacayey mudane Abdikarim Gole- Agaasime xigeenka Shuraako iyo Mukhtar Abdi Ismail Maamulaha Mashruuca Fududaynta Dayn helida Somaliland.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Baanka Dhexe ayaa mahad celiyey SIDA mashaariicada Horumarineed ee ay dalka ka wadaan , kuwaas oo u abuuray fursado badan dhalinyarada Somaliland ee ka qalin jebiyey Jaamacadaha Dalka. Counsellor Petra, ayaa xustay in ay ku faraxsab tahay imaanshiyada dalka Somaliland oo maalgalin ku sameeyey mashaariic badan oo dalka ka socda, waxayna u mahad celisay Madaxda Baanka soo dhaweynta ay u sameeyeen. Shirka waxa la iskula afgartey in la dardar galiyo mashaariicda ay SIDA wadanka ka wado.

 

Wabillahi Tawfiiq.