Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe JSL Mudane Axmed Hassan Cawo Ayaa Fariin kooban oo soo Dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook-ga kaga hadlay halka uu marayo talaabooyinka hore loogu qaaday dhinaca Sarifka , Fariintaa oo dhiganyad sidan:-
“ Waxaanu ku jirnaa qiimeyn talaabooyinkii hore loo qaaday dhinaca sarifka, wixii qabsoomay iyo midhahooda, kuwa aan qabsoomin iyo sababta, dib u eegid, qiimeyn iyo toosin. Dabcan waxa jira qaar cusub oo aanu aad uga baaraan degi doono. Waxaanu u mahadnaqaynaa baananka, xawaadlaha, sarifyaasha oo dhammaan noo muujiyey wada shaqayn wacan iyo kalsooni. Dhibta danyarta waanu ognay iyo damqashadooda. Wax yar oo samir ah aan ku darno.
Dal jaceylka waxa kow ka ah inaad ilaaliso qawaaniintiisa iyo inaad sharafto astaamihiisa. kuwa astaamaha ugu mudan waxa ka mid ah lacagtiisa. Sharafteeda iyo karaamadeedu waa adoo isticmaala oo qiimeeya.”
Xigasho
https://www.facebook.com/100002643240160
Axmed Hassan Arwo
Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe JSL