XUKUUMADA SOMALILAND OO BILAABAYSA CASRIYEYNTA NIDAAMKA MUSHAHAR BIXINTA SHAQAALAHA DAWLADDA

XUKUUMADA SOMALILAND OO BILAABAYSA CASRIYEYNTA NIDAAMKA MUSHAHAR BIXINTA SHAQAALAHA DAWLADDA

-Kulan Saddex geesood ah oo ay maanta isugu yimaadeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Baanka dhexe ee Dawladda iyo Xisaabiyaha Guud ee qaranka ayaa la iskula qaatay bilowga casriyeynta nidaamka mushahar bixinta shaqaalaha dawladda halkaas oo shaqaale walba loo samaynayo xisaab u gaar ah oo mushaharka loogu shubo

-Tallaabadan ayaa qayb ka ah dib-u-habaynta Shaqaalaha dawladda taas oo imanaysa kadib markii Hay’adda Shaqaalaha Dawladu soo dhamaysay tirintii Shaqaalaha Dawladda halkaas oo loo gudbiyo tayeyntii shaqaalaha dawladda oo ay kamid tahay casriyeynta nidaamka mushahar bixinta

-Gudoomiyaha Baanka Dhexe iyo Agasimaha Guud ee Baanka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid qaran ahaan u keenaysa sumcad wanaagsan sida oo kalena kor u qaadaysa dhaq-dhaqaaqii baanka dhexe iyaga oo dhanka kalena tilmaamay in ay xoog iyo xirfad ahaanba diyaar u yihiin in ay shaqadaa qabtaan.

-Dhanka kale, Xisaabiyaha Guud oo kulankan qayb ka ahaa ayaa xusay sida ay tallaabadani kor ugu qaadayso nidaamka la xisaabtanka isaga oo xusay in nidaamkani la dagaalmi doono in mar dambe caagle ama qof aan jirin samaysmo, maadama qof walba account yeelanayo.

-Shaqaalaha Dawlaada Somaliland ayaa ah kuwo imika tiro ahaan sugan, siyaasado intii ay u baahnayeena loo diyaariyey iyada oo imikana la horumarinayo nidaamka mushahar bixintooda

-Ugu dambayn, qorshahan ayaa kamid ah dedaalada loogu jiro dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda, maamul-wanaaga , la-xisaabtanka iyo kor u qaadida tayada iyo tamarta Shaqaalaha Dawladda

No Comments

Give a Reply

%d bloggers like this: