Shir maanta ay isugu yimaadeen madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Saraakiil sar-sare oo ka socday world Bank

Shir maanta ay isugu yimaadeen madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Saraakiil sar-sare oo ka socday world Bank

Shir  maanta ay isugu yimaadeen madaxda Sare ee Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Saraakiil sar-sare oo ka socday world Bank. Shirka waxaa lagaga hadlayay sidii wax loo qaban lahaa qiime dhaca shilinka, dajinta Siyaasada lacagta, iyo arimo badan oo kale oo khuseeya lacagta iyo Haayadaha maaliyadeed ee wadanka.
Shirka waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Mudane Ali Ibrahim Jama, Gudoomiye-xigeenka Omar yusuf Buuh, Agaasimaha Guud Ahmed Hassan Arwo, iyo Agaasime Waaxeedyada, kala ah Agaasimaha Siyaasada lacagta Mohamed Abdillahi Ali , Agaasimaha kor-meerka Haayadaha Maaliyadeed Abdirahman Muse Abdi, Agaasimaha Dabogalka Haayadaha maaliyadeed Mawliid farah Muuse, iyo Agaasimaha Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Arrimaha Dibadda Eng Mukhtar Omar Ali.
Dhinaca World Bank waxaa hogaaminayay Gudoomiyahii hore ee Baanka Dhexe ee Kenya iyo Gudoomiye xigeenkii hore ee Baanka Dhexe ee Zambia Austin Mwape.

No Comments

Give a Reply

%d bloggers like this: