Sicir Bararka 

Ujeedada aasaasiga ah ee Baanka Dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland waa in uu joogteeyo xasiloonida qiimaha bucsharadda kala duwan. Si ujeedadan loo gaadhana Baanka Dhexe waxa uu qaadaa talaabooyin uu ku socodsiinayo siyaasadiisa lacagta, gaar ahaan Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu marar kala duwan farogelin ku sameeyaa suuqyadda sarrifka ee lacagaha qalaad si loo yareeyo isgedgediga ku yimaadda heerka isku bedelka lacagaha ee suuqyadda Somaliland oo saamayn ku leh heerka sicir bararka ee dalka.

Baanka Dhexe ee JSL waxa uu si dhow ula socdaa warbixinadda tilmaamayaasha qiimayaasha bucsharadda (consumer price index) ee ay waaxda tirakoobka ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranku soo saarto bil kasta, marka laga soo bilaabo sanadkii 2012 (the base year), kadibna waxa uu baanku ku sameeyaa lafagur warbiixinadani si uu ugu jaangooyo siyaasadihiisa xasilinta qiimayaasha bucsharadda loogana hor tago sicir bararka oo dhaawacaya dhaqaalaha iyo nolosha bulshada Somaliland.

Warbixintan waxa Baanka Dhexe ee JSL uga dan leeyahay laba ujeedo oo kala ah: (1) in Baanka Dhexe warbixintan diyaarinteeda uga faaiidaysto in uu u adeegsado fulinta go’aamadiisa ku aadan xasilinta qiimaha bucsharadda iyo (2) in Baanka Dhexe uu la wadaago bulshadda si daahfuran sababaha uu u cuskanayo marka uu qaadayo talaaabo lagu xasilinayo hoosna loogu dhigayo heerka sicir bararka.

Download here Inflation Rate Report 

 
Download here Inflation Rate Report 

 

No Comments

Comments are closed.