NewsUncategorized Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Daah-furay shirweynaha Bangiyada iyo Hayadaha Maaliyadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Daah-furay shirweyne ballaadhan oo lagu gorfeynayo horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee dalka ka jira, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkan oo ujeeddadiisu tahay dardargelinta, kobcinta, wada-shaqaynta, is fahanka iyo habkii la isugu xidhi lahaa hay’adaha maaliyadeed ee dalka, islamarkaana laga dhigi lahaa kuwa isla jaanqaada oo ka wada-tashada sidii looga gudbi lahaa caqabadaha kala duwan ee ku gedaaman, ayaa waxa soo qabanqaabiyay baanka dhexe ee jamhuuriyada somaliland iyo wasaarada maaliyada.
#SLBAFC2019

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: