HAMBALYO MAGACAABIDA WASIIRKA MAALIYADA JSL

Hambalyo Magacaabida Wasiirka Maaliyada JSL

 

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Cali Ibraahim Jaamac, isaga oo ku hadlaya magaciisa, Saraakiisha Baanka iyo dhamaan shaqaale weynaha Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu ku faraxsanyahay isla markaana uu si diiran u soo dhawaynayaa Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiir Ku Xigeenkiisa Mudane Cabdilqaadir Maxamuud Sh. Muxumed (Dhegawayne) oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u magacaabay in ay xilalkaa culus qaranka u qabtaan.

 

Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadu waxay si wada jir ah masuul uga yihiin dejinta ascaarta, la dagaalanka sicir bararka, kobcinta dhaqaalaha iyo hirgelinta guud ahaan siyaasadda maaliyadeed ee JSL.

 

Waxaanu Ilaahay uga baryaynaa inuu hawsha loo xilsaaray u fududeeyo, anaguna waxaanu diyaar ula nahay iskaashi buuxa iyo wada shaqayn wanaagsan.

Alla Mahad Leh

 

No Comments

Give a Reply

%d bloggers like this: