WAR-SAXAFADEED: HOOS U DHACA SICIR BARARKA IYO DIGNIIN KU WAAJAHAN SARRIFLAYAASHA & SHIRKADAHA ISGAADHSIINTA.
Sida uu qeexaayo Xeer Lr 54/2012 Qodobkiisa 4aad waajibaadka asaasiga ah ee Baanka Dhexe waxa ugu muhiimsan dejinta ascaarta iyo ilaalinta qiimaha Shilinka Somaliland. Waxa kale oo uu masuul ka yahay samaynta iyo fulinta siyaasadda lacagta “Monetary Policy”. Haddaba annaga oo waajibaadkaas ka duulayna waxaanu Bulshada Somaliland la wadaagaynaa xogaha rasmiga ah ee soo socda:
A ) Hoos u dhac ku yimid sicir bararka & Sababaha.
Sicir bararkii ka jiray Somaliland waxa uu halkii ugu saraysay gaadhay bishii February 2018 oo uu taabtay 19.1%. Balse laga bilaabo Bishii March 2018 sicir bararku bil walba si tartiib ah ayuu hoos ugu soo dhacaayay. Tusaale ahaan Bishii March 2018 wuxuu sicir bararku hoos ugu soo degay:18.9 %; April 18.3%; May 17.6%; June 15%; July 13.6%; Aug 13.7%; Sept 9.6%; iyo Oct, 2018 oo uu ku soo dhacay 8.4%. Taas macnaheedu maaha sicir barar ma jiro, balse waxa weeye xaalad cusub oo dalku galay afka qalaadna loogu yeedho “Disinflation”. Waa xaalad dhaqaale oo caafimaad qabta una wanaagsan dalalka soo koraaya ee sicir bararku haleelay. Sababaha ugu mudan ee keenay hoos u dhaca tartiibta ah ee sicir bararka “Disinflation” waxa ka mid ah:
Kharashaadkii badnaa ee dawladda Dhexe soo dayn jirtay kana baxsanaa oddoroska Miisaaniyadda iyo mashariicda horumarinta qaranka oo guud ahaanba joogsaday.
Baanka Dhexe oo xakameeyay xaddiga lacagta suuqa gelaysa “Money supply”.
Baanka Dhexe oo maareeya suuqa sarrifka lacagta soona saara sicir dhexe “Daily guidance rate”. Sarriflihii Sicirka Dhexe kor u dhaafa wax ka badan 2% waxa laga saaraa systemka elekrooniga ah ee lacagta lagu kala beddesho ruqsaddana waa lagala noqdaa.
Wax-soosaarka dalagga beeraha dalka oo kordhay iyo khudaartii laga keeni jiray dalalka jiiraanka oo yaraatay.
Xukuumadda Somaliland oo mamnuucday in wixii ka yar $100 laysugu diro adeegyada Zaadka & Edahab taaso kor u qaadday Isticmaalka, Faafinta, iyo Kaydinta Shilinka Somaliland.Waxa xusid iyo ammaan mudan in adeegyada Zaad & Edahab ay door wayn ka qaateen hirgelinta mashruuca isticmaalka iyo faafinta lacagta qaranka.
- B) Digniin Ku waajahan Sarriflayaasha & Shirkadaha Isgaadhsiinta.
Sida ku cad Xeer No. 54/2012, Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu u xilsaaran yahay dejinta ascaarta guud iyo xasilloonida qiimaha SLSH, dalkuna wuxuu galay xaalad cusub oo sicir bararku hoos ugu dhacay 8.4% bishii October 2018. Haddaba, waxaanu dareen-nay dad aan ku xeel dheerayn arrimaha dhaqaalaha oo si khaldan u tarjumay sababaha keenay hoos u dhaca tartiibaysan ee sicir bararka. Waxaanu uga digaynaa Sarriflayaasha iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee wareegtadani khusayso inay qabtaan War-saxaafadeedyo ay ku baahinayaan xogo-dhaqaale oo xaqiiqada ka fog bulshadana ku ridaaya jaahwareer.
Waxa kale oo Baanka Dhexe ee Somaliland si dhaw ula socda qaar ka mid ah Shirkadaha Waawayn ee Isgaadhsiinta oo si dadban ugu xadgudbay Go’aankii Xukuumadu ku mamnuucaayay in laysu diro wixii kar $ 100. Waxa iyana jirta Shirkadda Golis oo suuqa sarrifka soo gashay iyadoon Baanka Dhexe ka haysan ruqsad Maaliyadeed “Financial License”. Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu si dhakhso ah u qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga oo ay ka mid yihiin ruqsad kala noqosho iyo xidhitaanka xafiisyadooda iyo goobaha ganacsigooda.
ALLAA MAHAD LEH
Cali Ibraahim Jaamac
(Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL