Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee oo Abaalmarin Guddoonsiiyey Qaar ka mida Shaqalaha Baanka dhexe

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee oo Abaalmarin Guddoonsiiyey Qaar ka mida Shaqalaha Baanka dhexe

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Mudane Ali ibraahim Jama oo Weheliyo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Mudane  Axmed Xasan Cawro  ayaa abaal marin Guddoonsiiyey Qaar ka mida ah Shaqalaha baanka dhexe ee JSL ,  Shaqalaha abaal marinta La Gudoonsiiyey oo tiradoodu Dhamayd 6 lix Xubnood oo ka kala socday laamaha Iyo qaybaha kala duwan ee baanka ayaa kala ahaa .

1. Abdifatah Jama Axmed  – Waaxda Supervition

2. Abdirisak Mohamed Cumar – Qaybta IT-ga

3, Huda Axmed Farax –          Laanta Xarunta

4, abdimalik Koosaar Maxamed –  Laanta Xarunta

5. Farduus Siciid Salax         – Laanta 2aad

6. Rashiid Suleiban Diiriye  -Laanta 1aad

Xubnahan ayaa lagu abaal mariyey kartida iyo Howlkarimada ay la yimaadeen ,

Waxa Goobtaa ku suganaa Agaasimaha Qaybta Shaqalaha Marwo Amran Cabdi Ismail  , Mamulaha Laanta Xaranta Mr Cabdiraxman Cali Warsame

Maamulaha Laanta Koobaad mudane Maxamed Cabdirax Xandule  iyo Maamulaha Laanta 2aad mudane Maxamed Aadan Xuseen ,  oo dhamaantood ka dareen celiyey kartida shaqalaha  ,

Agaasimaha Qaybta Shaqalaha Marwo Amran Cabdi     Ismail ayaa xustay in dhamaan shaqalaha baanka dhexe  istaahilaan in lagu abaal mariyo howsha ay Qarranka u hayaan ,waxayna  Hoosta ka xariiqday in Shaqalahan ay soo xuleen Maamulayaasha laamaha iyo Horjoogaysha Qaybaha ay ka tirsan yihiin , isla markaana waxay xustay in ay Joogteen doonan Qiimaynta Shaqalaha ,

Gebagabadii waxaa Waxaa soo Afmeeray  Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL mudane Cali ibrahin jamac  oo la dar daarmay Shaqalaha kuna dhiiri geliyey in ay sii wadaan Dadaalka ay wadaan halkaa ku Gudoonsiiyey abaal marintii ay mutaysteen.

 

      

No Comments

Give a Reply

%d bloggers like this: