CULIMADA WASAARADA DIINTA IYO AWQAAFTA OO KULAN WACYI GELIN AH LA QAATAY SHAQAALAHA BAANKA DHEXE

CULIMADA WASAARADA DIINTA IYO AWQAAFTA OO KULAN WACYI GELIN AH LA QAATAY SHAQAALAHA BAANKA DHEXE

Shaqaalaha Baanka Somaliland  kulan  aad u qurux badan oo meeqaam sare loo soo Agaasimay, la qaatay culimada wacyigelinta ee W/diinta Awqaafta .

kulankaa oo ay. qaabadiisa lahayd Qaybta Maamulka Arrimaha Shaqaalaha ayaa daaranaa wacyi galin diini ah oo ay bixinayeen Culimadda Wasaarada Diinta iyo Awqaabta.
Guddoomiyaha Baanka Cali Ibraahim Jamac (Baqdaadi) oo ugu horeyn kulanka furay ayaa u mahadnaqay guud ahaan Wasaarada Diinta iyo awqaafta gaar ahaan Culimada Wacyi-galinta waxa kale oo uu guddoomiyahu u mahadnaqay Dhamaan Shaqaalaha Baanka ee ka soo qayb galay kulankan waxa uuna kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed iyo khayrkeeda.
Sheekh Abdirahmaan Sheekh Faarax oo ka tirsan culimada Wacyigalinta ee Wasaarada Diinta iyo awqaafta ayaa halkaa ka jeediyey sheekhu waxa uu aad ugu dheeraaday Saamaxaada umada muslimiinta ah sheekhu waxa uu shaqaalaha Baanka kula dardaarmay in ay ilaaliyaan hantida umadda e ay masuulka ka yihiin, Cadaalada Shaqaalaha Dhexdooda, Is-ixtiraamka, Daacada, Sheekhu waxa uu aad ugu nuuxnuuxsaday in laga faa’iidaysto tobanka ugu dambeeya ee Ramadaanta oo ah tobankii naarta la iska xoreynayey.
Agaasimaha Guud ee Baanka Axmed Xasan Carwo ayaa isaguna halkaa ka hadlay oo shaqaalaha Baanka uga waramay Faa’iidada bisha barakaysan ee Ramadaan una sheegay Shaqaalaha Baanku in ay bishan uga faa’iidaystaan Saamaxaad, Shaqo Wanaag, Ku kalsoonaanta qadarka alleh is-kaashiga Shaqaalaha Baanka dhexdiisa. Agaasimaha Guud waxa uu Wasaarada Diinta ku hambalyeeyey gudashada Waajibaadka diiniga ah ee ay u hayaan Qaranka Somaliland.
Ugu Dambayn Guddoomiyaha Baanka iyo Agaasimaha ee Baanka ayaa Wasaarada Diinta iyo awqaafta ka guddoomay Hadiyad kutub qur’aan ah oo ay ugu talo galeen Shaqaalaha Baanka Somaliland.
Kulankan oo ayaa ku dhamaaday iyadoo goobta ay ka muuqato rayn-rayn farxad iyo curasho waji furnaan ay isku muujiyeen Dhamaan Shaqaalaha Baanka Somaliland

No Comments

Give a Reply

%d bloggers like this: