AHMIYADA ISTICMAALKA SHILINKA SOMALILAND U LEEYAHAY BULSHO WEYNTA JAMHUURIYADA SOMALILAND

AHMIYADA ISTICMAALKA SHILINKA SOMALILAND U LEEYAHAY BULSHO WEYNTA JAMHUURIYADA SOMALILAND

AHMIYADA ISTICMAALKA SHILINKA SOMALILAND U LEEYAHAY BULSHO WEYNTA JAMHUURIYADA SOMALILAND

Sidaynu wada ogsoonahay qarankasta oo dunidan aynu Ku nool nahay ka tirsan wuxuu leeyahay , astaan qaran, lacag iyo calan u gaara . lacagtu waxa ay ka mid tahay astaamaha qaran leeyahay ta uugu qiimaha badan , sidoo kale na laga dheehankaro awooda dhaqaale ee qarankaasi leeyahay.
Qarankeena jamhuuriyada Somaliland waxa uu bulshada caalamka la wadaaga lahaanshiyahay , astaanta qaranka , calanka , dastuurka , iyo lacag u gaara oo uu kaga duwan yahay qaramada dunida ka jira intooda kale, taas oo laga isticmaalo guud ahaan wadanka oo dhan
Shilinka somaliland Waxa la hirgaliyay dabacaadiisa iyo isticmaalkiisa , 18 Oktoobar 1994. Waxa ay ka kooban tahay lacagta Somaliland waraaqo iyo biro kal ah sidan 1, 5, 10, 20, 100, 500, 1000 iyo 5000. waxaa la sameeyey lana hirgaliyay xiligii dawladii marxuum madaxweyn Mohamed Haji Ibrahim Egal
Sida aynu la wada socono waxaa waayadan ku dhacay shilinkeena Somaliland qiimo dhac aad u balaadhan, taas oo dhinac la odhan karo waxaa abuuray sixirbararka baahsan bulshadeena , oo si weyn u isticmaasha lacagaha qalaad gaar ahaan lacagta dolla ka u,adeegsaday sidii lacagta dalka, ( local currency) , una isticmaalay dhamaan wax kala iibsigii, bixintii school fee ga , bixintii kirooyinka ,iibintii maceeshadaha kala duwan iyo adeegyada iyo dhamaan dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee dalkeena ka jiray oo dhan , taas oo marka la waayo ama uu yaraado ku keenaysa lacagtii dalkeena qiimo dhac aad u weyn (low purchasing power or less value ) ,hoos udhaca awooda wax iibsi .
Dhinaca kalena la odhan karo awoodena dhaqaale oo liidata iyo wax soo saar la aanta wadankeena ka jirta ayaa abuurta qiima dhaca shilinka Somaliland , taas oo samayn togan ku keenaysa (Aggregate economic Growth) korodhka dhaqalaha guud ee wadanka iyo sidoo kale( economic stability ) xasilinta siyaasada dhaqaalaha guud ee wadanka.
Hadaba markaynu siyar oo kooban uuga hadalno qiima dhac ama waxan la idhaa inflation wuxuu yahay iyo waxaa keena , ugu horeyn sixir bararku waa kororka qiime ee ku yimaada dhamaan alaabaha iyo adeega guud ee dalka , waxaan uugu caan san noocyada inflationka ama sixir bararka , demand pull inflation oo macnaheedu noqonaayo in wax soo saarkii guud ee dalku ( aggregate out put production ) uu ka yaraado baahida loo qabo wax soo saarkaas ( aggregate demand) iyo nooca kale ee isna ugu caan san oo la idhaa cust push inflation oo noqonaaya marka uu bato qiimaha lagaliyo warshada , shaqale iyo agabba ( cost of labour and materail production) kaas oo isna kor u qaada qiimaha iibka dhamaan ascaarta kala duwan ee dalka .
Hadaba si aynu u helno dhaqale xasiloon iyo lacagteena oo qiimo yeelata, waxaa loo bahan yahay in la helo qodobadan soo socda
 Marka uugu horaysa in bulshadeenu aaminto shilinkeena Somaliland oodhamaan ganacsigooda iyo adeegyada kala duwen ee ay qabanayaan u isticmaalaan shillinka Somaliland
 In shacab iyo dawladba la iskaga kaashado sidii wadankeenu uu wax soo saar baaxad weyn u yeelan lahaa, oo looga faidaysto wax soo saarka xoolaheena , qodaalka beeraheena, wax soo saarka kaluunkeen bada ku jira , suuq u samayna beenyadayada dalkeena , xoojinta awooda banka dhexe ,iyo sidoo kale horumarinta iyo hirgalinta kabayaasha dhaqaale ee wadanka
 Dhiiri galinta maal gashiyada caalamiga ah iyo kuwa gudahaba, iyadoo wax ka badal iyo kaabid lagu samaynaayo xeerarka maalgashiga wadankeena
 Samaynta nidaamka cashuur qaadista wadanka guud ahaan iyada oo lagu salaynaayo hadba korodhka dhaqaale ee wadanka ku yimaada
Qodobadan iyo kuwo kale oo aad umihiima , hadii ay siday tahay la iskaga kaashado shicib iyo xukuumadba waxay run ahaantii ka qayb qaadan karaan kobcinta GDP growth ka wadanka ama dhaqaalaha guud ee wadanka , kaas oo marka dambe keenaya in ay qiimo yeelto lacata wadankeenu sumcadeeduna kor u kacdo
Marka aynu intaa ku dhaafno sixir bararka iyo sida uu saamayn uugu yeeshay shilinka Somaliland waxaa iyana mihiim ah in aynu wax yar ka idhaahdo , mihimada uu isticmaalka shilinkeenu u leeyahay bulshadeen jamhuuriyada somaliland
Ahmiyada isticmaalka shilinkeenu inoo leeyahay
 Isticmaalka shilinkeen Somaliland , waxaa uu meesha ka saarayaa baahidii aynu u qabnay lacagta qalaad , taas oo hoos u dhigaysa qiimadhaca shilinkeen , sidoo kalena kor u soo qaadaysa awooda wax iibsi ee shilinkeen Somaliland
 Isticmaalka shilinkeena Somaliland waxaa uu fududaynayaa , inaad meel kasta ka heli karto shilinka wadankaaga , waxna aad ku iibsankarto waxna lagaaga iibsan karo si fuduud , islamarkaana aanad u baahnay sarifle iyo cid dhexe toona
 Isticmaalka shillinkeenu waxaa uu kor u soo qaadayaa dhaqaalaha dalkeena madaama oo uu qiimo yeelanayo , waxaanu kor u qadayaa sum cada iyo qiimaha qarankeena jamhuuriyada Somaliland .
Ugu dambayntii waxaan bulshada sharafta iyo qiimaha badan ee reer Somaliland u soo jeedinayaa , in ay isticmaalaan shilinkood Somaliland sidoo kale lacagahooda ay dhigtaan baanka jamhuuriyada Somaliland kaas oo masuul uga ah bulshada inuu u qabto adeegyada , ilaalinta hantida guud , xasilinta dhaqaalaha guud ee wadanka , jarista iyo goynta qiimaha iskubadalka lacagaha qalaad, dabacaada lagata, iyo kobcinta dhaqaalaha guud ee wadanka , taasi sidoo kale waxay qayb mihiima ka qaadan doontaa kobaca dhaqaalha iyo xal u helida sixirbaraka wadankeen  Ragaadiyey


  1. Wabilaahi tawfiiq
    Eco Nuradiin Kosar Omer
    Kosaar2015@gmail.com
    Tell: 063-4471179

No Comments

Give a Reply

%d bloggers like this: