Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe oo Furay Tobabar loo qabanayo qaar ka mid ah Shaqaalaha Baanka Dhexe

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe oo Furay Tobabar loo qabanayo qaar ka mid ah Shaqaalaha Baanka Dhexe

Agaasimaha Guud ee Baanka Mudane Axmed Xasan Carwo ayaa furay tobabar kor loogu qaadayo
Aqoonta iyo tayada Shaqaalaha Baanka Dhexe ee JSL.
Tobabarkan oo socon doona muddo 6 cisho 20-ilaa 25. 10.2018,ah ayaa ka qabsoomi doona Hoolka
Baanka ee Baanka dhexe, muddaa uu socodo tobabarku waxay shaqaalaha Baanku qaadan doona
Habka Daryeelka Macaamiisha ( Customer care).
Ugu horeyn waxaa ka hadlay tobabarkan agaasimaha Qaybta Maamulka Arrimaha Shaqaalaha Baanka
Marwo Amran Cabdi Ismail, iyadoo uga mahad celisay Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ka soo qayb
galka uu ka soo qayb galay xaflada furitaanka tobabarka Daryeelka Macaamiisha , sidoo kale waxay
xustay ahmiyada ay leeyahay daryeelka macaamiisha baanka , islama markaana waxay dardaaran u
soo jeedisay shaqalaha tobabarka loo fidinayo in ka faa’ideystaan tobabarka, kuna dabaqadaan adeega
ay bulshada u hayaan.

Waxaa iyaguna kalmado dardaaran ah halkaa ka soo jeediyey Maamulayaasha laanta koowaad mudane
Maxamed Cabdiraxman Xandule iyo Maamulaha laanta labaad mudane Maxamed Aadan Xaashi, iyagoo
xusay in dayreelka macaamiisha baanka oo la wanaajiyaa ay sumacada Baanka kor u qaadayso isla
markaana waajinayso sawirka guud ee Baanka.

Waxaa isna halkaa ka hadlay macalinka daadihin doona tobabarka daryeelka macaamiisha( Customer Care training) mudane Fu,aad Maxamed Jamac, isagoo sharaxaad ka bixiyey habka uu u socon doono tobabarku , iyo casharada ay qaadan doonaa shaqalahu mudadaa uu socdo tobabarka daryeelka macaashiisa ,
macaashiisa ,
Ugu dambayntii waxaa soo afmeeray Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Mudane Axmed Xasan Carwo,
isagoo xusay ahmiyada ay leedahay daryeelka macaamiisha Baanka lana dardaamay shaqalaha Baanka
in cilmiga ay bartaan ku dabaqaan shaqo maalmeelka ay bulshada u hayaan .

Guud ahaan tobabarka Daryeelka Macaamiisha oo socon doono muddo 6 cisha ayaa filayaa inuu soo
gabagaboobo maalinta khamiista ee fooda inagu soo haysa hadii EEBE idmo.

No Comments

Give a Reply

%d bloggers like this: