News Agaasimah Guud Baanka Dhexe Axmed Xasan Carwo oo Safar Shaqo ugu Baxay Gobolada Galbeedka S/land

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee JSL, Mudane Axmed Xasan Carwo ayaa safar shaqo oo nuxurkiisu yahay xogogaal u noqoshada xaalada shaqadda iyo Shaqaalaha, iyo dardargalinta adeega uu Baanka Dhexe hayo uu baxay goboladda galbeed ee JSL, Agaasimahu wuxuu safarkiisa ka bilaabay gobolka Gabiley xaruntiisa Gabiley.

Agaasimahu wuxuu isla maanta kulamo is dabo joog ah la yeeshay madaxdda iyo shaqaalaha laanta Gabiley ee Baanka Dhexe.

Agaasimahu waxaa kale oo uu kormeer ku sameeyay xaalada dhismayaasha Baanka Dhexe ee Gobolka gabilley.

Agaasimaha waxaa sidoo kale ku wehelinaya Agaasimaha waaxda Shaqaalaha Amran Abdi Ismail iyo Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Arrimaha Dibadda Mukhtar Omar Ali, Agaasime ku xigeenka Waaxda Xisaabaadka Hirad Cali Mohamed iyo Madaxa qiimaynta Cabdi Fatax Jamac Mohamed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: